Xog cusub: Shariif Xasan, Xildhibaano iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka oo shir uga socda dalka Imaaraadka

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in magaalada Abu Dabai ee xarunta Isutaga Imaaraadka Carabta uu shirar gaara uga socdo Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Hogaamiyaha Koonfur Galbeed ee Somalia.

Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed, Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta ku shirsan magaalada Abu Dabai ayaa waxaa ka dhex muuqda mas’uuliyiin ay waayadan isku dhacsanaayen Madaxda ugu sareysa dalka.

Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta ayaa la xaqiijiyay inay u badan yihiin garabka Mucaaradka ku ah dowlada Federaalka ah ee Somalia, waxaana lasoo sheegayaa in shirarkaasi ay marti galisay dowlada Imaaraadka oo dhawaan ku fashilantay qorsho ay usoo dhiibtay CC Shakuur iyo Cumar C/rashiid, Ra’isul wasaarihii hore ee Somali.

Shirarka iyo is uruursiga ka socda magaalada Abu Dabai ayaa waxaa hoggaaminaya Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke, ahna Senator ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee dalka, sida ay baahisay Idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho.

CCCSharmaarke ayaa kaalin weyn ka qaadanaaya is hortaaga dowlada Federaalka, waxaana dhawaan lagu eedeeyay in dowlada Imaaraadka uu kasoo qaado dhaqaalaha loo isticmaalo burburinta Qaranka.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa lagu eedeeyaa in ay maalgaliso qaar ka mid ah Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada dowladda kasoo horjeedda.

Sidoo kale, Mucaaradka dowladda ayaa xoogeystay ka dib markii dhawaan ciidamada Ammaanka Soomaaliya ay weerar khasaare dhaliyay ay ku qaadeen Guriga Siyaasiga dowladda Mucaaradka ku ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Si dhaba uma cada miraha kasoo bixi doona shirarka dhinacyada Mucaaradka uga socda magaalada Abu Dabai ee xarunta dalka Isutaga imaaraadka Carabta.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com