Madaxweynihii hore ee Somalia oo fariin adag u diray Xildhibaanada & Siyaasiyiinta caqabada ku ah DF

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynihii hore ee Somalia Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa mar kale si kulul uga hadlay Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ah ee kasoo horjeeda Dowlada FS.

Cabdiqaasim oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in marka hore uu aad uga xun yahay in shaqsiyaad gaara ay caqabad ku yihiin Hanaanka shaqo ee dowlada Federaalka.

Cabdiqaasim, waxa uu sheegay in shaqsi ahaantiisa uusan xiligaan ahmiyad u arag in la caqabadeeyo dowlada Somalia, waxa uuna cadeeyay inay fududaha in la rido dowlad, balse aysan sahlaneyn in la dhiso.

Waxa uu Mr Cabdiqaasim sheegay inay muhiim tahay in si wada jira looga wada shaqeeyo horumarinta dalka, iyadoo la raadsanaayo xilalka ay ku jiraan damaca.

Cabdiqaasim, waxa uu sheegay in dadka Mucaaradka ah looga baahan yahay in ay soo bandhigaan qaladaadka dowladda oo kaliya, balse aysan kusii fogaan howlaha aan iyaga khuseyn.

Waxa uu tilmaamay inaan loo baahneyn Mucaarad wax duminaaya isla markaana ay gacmo shisheeye u adeegsanayaan in dalkiisa uu ku dumiyo gamcihiisa.

Cabdiqaasim, waxa uu intaa ku daray in aan maanta loo baahneyn Mucaarad doonaya in ay dowladda riddaan, waxa uuna Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ugu baaqay inay la shaqeeyan dowladooda.

Cabdiqaasim, waxa uu dhinacyada Mucaaradka ugu baaqay in laga shaqeeyo Midnimada Soomaaliya in ay keeni karto sare u qaadida Horumarinta iyo meesha hadda la jooggo in laga hormaro.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in ficilada Mucaaradka uu ka danbeyn doono la xisaabtan, maadaama dhinacyadaasi ay u badan yihiin kuwo eedeysan.

Haddalka Cabdiqaasim ayaa kusoo beegmaaya xili dowlada Federaalka ay marti galineyso duufaano Siyaasadeed oo lid ku ah howlaheeda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com