Guddiga difaaca BF oo shir Degdeg ah ka leh xadgudubka ay Kenya ku heyso Xadka Somalia

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay ku shiraan Guddiga difaaca ee baarlamaanka Somalia oo kulan degdeg ah ka yeelan doona xad gudub ay Kenya ku heyso Xadka Somalia.

Guddiga ayaa la sheegay in shirkooda ay xooga ka saari doonaan ka doodista darbi la sheegay in dowlada Kenya ay ka dhiseyso xadka ay la wadaagto Somalia.

Shirka Guddiga ayaa ka dhici doona xarunta Guddiyada ee Villa Hargeysa oo ku dhax-taala Madaxtooyada Somalia sida ay xaqiijiyeen Xildhibaano ka tirsan Guddiga.

Guddiga oo labadii maalin ee ugu danbeysay ku howlanaa wax ka ogaanshiyaha darbiga ay Kenya ka dhiseyso xadka Somalia ayaa waxaa iminka soo baxaaya in lasoo dhameystiray macluumaadka ku aadan darbiga oo uu Guddiga baadi-goobka ugu jiray.

Asbuucii ugu danbeeyay ayaa waxaa soo baxaayay qeyla dhaan Dowlada Federaalka uga imaaneysay Maamulka Jubbaland iyo dadka ku nool Beled-Xaawo, kadib markii Keyna ay kusii fogaatay xadgudubka ay ku heysay xadka Somalia.

Dhinaca kale, Madaxda ugu sareysa dalka ayaan weli ka hadal xadgudubka ay Kenya ku heyso Somalia, waxaana manta la filayaa in natiijo uu kasoo baxo shirka Guddiga.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com