Maxaa kala soctaa 4-ta arrin oo ay DF xooga saari doonto oo sanadka cusub ee 2018

By Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay dadaalka ay Xukuumadiisa ugu jirto hirgalinta howlaha lagu yaqaan dowladnimada.

Kheyre waxa uu sheegay in sanadka 2018 ee iminka dhalanaaya ay qaadi doonaan talaabooyin isbedel loogu sameynaayo Somalia, waxa uuna carab dhabay inay dajiyeen qorshooyin muuqda.

Waxa uu sheegay in diirada ay saari doonaan howlo badan, hase ahaatee ay si gaara u daneynayaan 4 qodob oo kala ah:

1-Tayeynta Garsoorka iyo in Somalia ay ka hirgasho cadaalad ka caafimaad qabta ‘’Qabyaalad, Nin jecleysi iyo Laaluush’’.

2-Dhameystirka la dagaalanka musuqa haraadiga ku ah xarumaha dowlada iyo ciribtirka shaqsiyaadka lagu tuhunsan yahay.

3-Xoojinta dhismaha ciidamada Qalabka Sida iyo diyaarinta ciidamo lambareysan oo laga warqabo cadadkooda.

4-La wareegida dhammaan amniga dalka iyo in Ciidamada qalabka sida la geeyo dhammaan Koontaroolada dalka.

Ra’isul wasaareXasan Cali Khayre wuxuu rajo ka muujiyey sanadka soo socda ee 2018, inay hirgaliyan dhammaan 4ta qodob ee kor ku xusan iyo qodobo kale oo aan halkaan ku muujin.

Kheyre waxa uu sidoo kale ku nuuxnuuxsaday inay rajeynayaan in 2018 ay Soomaaliya u noqon doonto mid ay ka gudubto musuqmaasuqa ragaadiyey sanooyinka badan, isla markaana la gaari doono nidaam ku dhisan isla xisaabtan sharcigu sareeyo.

“Waxaan xoogga saareynaa hirgalinta qodobo dhowr ah oo aan ku saleyn doono isla xisaabtan, muddo kooban ayeynu ku hirgalin doonaa ballanqaadka aan sameynay si aan ugu sii gudubno kuwa harsan’’

Sidoo kale, Kheyre ayaa dhinacyada ay khuseeyan qodobada kor ku xusan ugu baaqay inay kala shaqeeyan hirgalintooda, waxa uuna cadeeyay inaanu Madaxdu keliya waxqabankarin.

Haddalka Kheyre ayaa kusoo beegmaaya xili dowlada Federaalka ay sanadka koowaad uga harsan tahay muddo ka yar laba bil, waxaana xusid mudan in dowladu qaaday talaabo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com