Maxaa ka soo kordhay dagaalladii ka dhex qarxay Habar-Gidir & Biyo-Maal?

Afgooye (Caasimada Online) Waxaa caawa daggan goobihii lagu dagaalamay seddaxdii maalmood ee la soo dhaafay ee ku yaalla Shabeellaha Hoose kuwaasoo halkaasoo ay isku heestaan labo beel oo kala ah Habar-Gidir iyo Biyo-Maal.

Inta la ogyahay 20 qof ayaa ku dhimmatay dagaalka maanta iyo shaley ka socday deeganno hoos-taga degmooyinka , Janaale, Marka iyo Aw-dheegle oo dhammaantood ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalada maanta, ayaa waxay xoogoodu ka dhaceen deegaanka Busleey oo ka tirsan degmada Janaale, waxaana labada dhinac ay  isku adeegsadeen hub culus sida ay lee yihiin dadka deeganka.

Wararka, ayaa waxay sheegayaan in dagaaladu ay si iskoodu ah u istaageen duhurnimadii maanta, oo markaasi ay suurta gashay in labada garab ay kala qaataan dhaawacyada.

Dhaawacyada labada dhinac ee dagaalamaya ayaa la sheegay in loo kala qaaday magaalooyinka Marka iyo Muqdisho.

Dadka rayidka ee ku nool goobaha lagu dagaalamayo ayaa la sheegay in ka barakaceen guryahooda iyagoona aaday deeganno ka fog goobaha lagu dagaalamayo

Dhinaca kale, guddoomiye ku xigeenka guddiga xuquuqul insaanka baarlamaanka Xildhibaan Muuse Sheekh Cumar oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa hey’addaha dowladda ka codsaday in ay halkaas u diraan ciidamo kala dhex gala maleeshiyaadka isku heesta gobalka Shabeellaha Hoose.

Wuxuu ku eedeeyay madaxda dowladda in aysan dhab ka ahayn Siddii loo joojin lahaa dagaalada ka socda gobalada qaar sida Hiiraan iyo Shabeellaha Hoose sida uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com