Soomaalida NAIROBI oo lagu kacay !!!

Nairobi (Caasimada Online) Magaalada Nairobi gaar ahaan xaafadda Islii waxaa maanta ka dhacay howgallo lagu qabqatay Soomaali badan kaddib markii xaley qarax lagu weeraray baabuur nooca dadweynaha.

Wariyaha Caasimada Online ee Nairobi, ayaa soo sheegay howgalkii maanta in lagu qabtay in ka badan 100 qof oo Soomaali u badan kuwaasoo laga soo qabqabtay guryaha ku yaalla xaafadda Islii.

Wariyaha waxaa kaloo uu soo sheegay in qaar ka mid ah dadka lagu qabqabtay howgalka in loo geestay tacadiyo ballaaran oo ay ku jirto garaac.

Dhinaca kale, waxaa xiran dhammaan goobaha ganacsiga ee ku yaalla xaafadda Islii oo uu xaley ka dhacay qaraxa lagu weeraray baska dadweynaha.

Inta la ogyhay toddobol qof ayaa ku dhimmatay in ka badan 25-kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxa sida ay lee yihiin hey’addaha amaanka iyo kuwa caafimaadka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com