IGAD oo u magacawday Max’ed Cabdi Afeey ergaygka cusub ee Somalia

Addis Ababa (Caasimada Online) Urur Gobaleedka IGAD ayaa maanta oo Axad ah danjire Maxamed Cabdi Afeey u magacaabay ergayga gaarka ee u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

War-saxaafadeed uu ku saxiixan yahay xoghayaha IGAD Maxbuub Macalim ayaa lagu sheegay in Afeey loo magacaabay danjiraha gaarka ah ee ururka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa sannadkii 2003-dii Maxamed Cabdi Afeey u magacowday safiirka u qaabilsan Soomaaliya, sidoo kale wuxuu ahaa qabqan qaabiyihii shirkii Imbagaasi lagu qabtay sannadkii 2004 ee lagu soo unkay dowladii KMG ah ee AUN Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed.

Danjire Afeey ayaa tan iyo bishii March ee sannadkan wuxuu ahaa mudane ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya.

Warka ka soo baxay xoghayaha ururka IGAD ayaa lagu sheegay in ay taageersan yihiin magacaabiista Afeey maadama uu yahay nin ku xeel dheer arrimaha Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com