Kismaayo (Caasimada Online) War hadda soo dhacay, ayaa sheegaya in isgaarsiinta Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ay jaran tahay.
Goobjoogayaal ku sugan Kismaayo ayaa Shabakadda Caasimada Online u sheegay isgaarsiinta magaalada in ay jaran tahay, waxaana sidaas amar ku bixiyay maamulka kumeel gaarka ee Jubba.
Magaalada waxaa lagu arkayaa ciidamo fara badan, kuwaasoo gaaf wareegaya xaafadda magaalada.
Isku socodka dadka iyo gaadidka ayaa caadi ah oo wax saameen ah kuma yeelan isgaarsiinta jaran.
Ma ahan markii ugu horreysay oo la jaro isgaarsiinta magaalada Kismaayo, waxaana inta badan la sameeyaa marka ay wafdi soo dagayaan ama ka baxayaan magaalada.
Ma jirto ilaa hadda cid ka hadashay sababta hawada looga saaray isgaarsiinta magaalada Kismaayo oo maalmihii la soo dhaafay ay ka dhaceen dilal iyo qaraxyo.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Kismaayo