Xogtii ugu dambeysay qaraxyo xoogan oo caawa gilgilay Kenya + Sawirro

Mombasa (Caasimada Online) –Waxaa sii kordhaya tirada dadka ku dhintay seddax qarax oo caawa ka dhacay magaalada Mombasa ee xeebta dalka Kenya.

Wargayska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa sheegay inta la xaqiijiyay geerida in ay mareyso ilaa afar qof 13 kalena ay ku dhaawacmayn.

Ciidamo aad u hubeysan iyo kooxaha gurmad ayaa u cararay goobta qaraxyada ay ka dhacayn, kuwaasoo gurmad u fidinaya dadka mashaqada ay ku habsatay.

Qaraxa koowaad ayaa yaa burburiyay qeyb ka mid ah xarunta ay ka baxaan basaska shirkadda Chania kaasoo ka sheqeeyo inta u dhexeyso Mombasa illaa magaalada thika.

Qaraxa ka dhacay hotelka caanka Riif oo u dhow xeebta Niyaala Beach, ma jirto wax dhaawac ama dhimmasho la soo wariyay balse waxaa ku sugnaa markii uu qaraxa dhacay aad u badan.

Majirto cid sheegatay qaraxyadan illaa iyo hadda, waxayna imaanayaan iyadoo Kenya ay ka socdaan howlgallo ballaaran oo lagu xoojinayo amniga sida ay dowladda sheegtay.

qaaa

 DSC_0105 DSC_0092Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com