Muxuu C/weli Gaas ka doonay Yemen?

Sana’a (Caasimada Online)- Wariyaha Caasimada Online ee dalka Yemen ayaa soo sheegay in halkaas maanta uu gaaray madaxweynaha maamulka Puntland iyo wafdi uu hoggaaminaayo.

Madaxweyne Cabdiweli Gaas waxaa garoonka ku soo dhaweeyay madax ka tirsan dowladda Yemen oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha dibedda.

Isagoo saxaafadda kula hadlaayay magaalada Sanca, wuxuu sheegay in muddo afar cisho isaga iyo wafdigiisa ay sii joogi doonaan Yemen isla markaana ay la kulmi doonaan madaxda dalka Yemen.

Wuxuu sheegay in ay kala hadli doonaan arrimaha ammaanka, ganacsiga, waxbarashadda iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Wafdiga madaxweynaha Puntland ayaa ka yimid magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, iyagoona ka qaybgalay shir ka dhacay magaalada Baxardaar.

Ma ahan markii ugu horreysay oo madaxweyne ka socda maamulka Puntland yimaado dalkam Yemen, waxaa ugu dambeeyay madaxweynihii ka horeeyay Gaas, Cabdiraxmaam Faroole.

Faroole yimid dalka Yemen labo jeer, waxaana markii ugu dambeesay ay ahayd sannadkii horre 2013-ka isagoona sannadkii ka sii horeyay ee 2012-ka uu Yemen imaaday.

Xafiiska Wararka Yemen

Caasimada@live.com

Caasimada@live.com