Arag sawir arrimo badan muujinaya!!!!!

Addis Ababa (Caasimada Online)- Akhristayaasha ku xiran Caasimada Online, waxaan u soo xulnay sawirro laga soo qaaday magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Sawirkan wuxuu ka mid yahay sawirro la soo dhigay Radiyaha dowladda ee Radio Muqdisho, waxaana ka muuqda  madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wasiirka cadaallada Faarax Sheekh Cabduqaadir.

Labadooda waxa ay ka mid yihiin xisbiga Dam-jadiid ee talada dalka haya.

Dad badan ayaa aaminsan Faarax in uu yahay mashiinka dhaqaajiya dowladda oo madaxweynaha ayuu ka awood badan yahay siddaas waxaa leh dadka odorsa arrimaha siyaasadda Soomaaliya.

Akhriste maxaa kaga baxay sawirkan?

Bidix wasiirka Cadaaladda Faarax Cabduqaadir Midig madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
Bidix wasiirka Cadaaladda Faarax Cabduqaadir Midig madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud