DEG DEG AH: Xildhibaan baabuurkiisa la qarxiyey iyo xog sheegeysa inuu…

Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda soo dhacay ayaa sheegay in qarax miino uu ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Qaraxa oo ka dhacay hotel noobo Jante oo u dhow Masjidka Marwaaz ee degmada Xamarweyne, waxaana lala damacsanaa in lagu qarxiyo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanka lahaa gaariga qarxay ayaa lagu magacaabaa Cabdulaahi Axmed Xuseen Coonka, siddaas waxaa goordhow saxaafadda u sheegay guddoomiyaha degmada Xamarweyne, Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir.

Guddoomiyaha wuxuu sheegay gaariga oo xaley xildhibaanka uu dhigay hotel ku yaalla degmada loogu xiray miinada qaraxday, balse markii la ogaaday in qarax lagu xiray baabuurka ay ciidamada ku takhasusay arrimaha miinooyinka ay qarxiyeen.

“Demada waxaa saakay lagu arkay baabuur lagu xiray qarax miino oo uu lee yahay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabo Axmed Cabdulaahi, balse wax dhib ma gaarin oo waa la fashiliyay qaraxa” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Xamarweyne.

Wuxuu sheegay oo kale Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir in ay qabteen dhowr qof oo looga shakisan yahay in ay ka dambeeyeen falkaas oo goobta ka agdhawaa kuwaasoo markii ay fashilmeen qarxiyay baabuurka.

Goodmiyaha ayaa sidoo kale ku eedeeyay xildhibaannada baarlamaanka in aysan nafsadooda ilaalin karin oo ay baabuurta meesha ay rabaan iska dhigtaan.

Waa falkii labaad oo degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho lagu qarxiyo xildhibaan baabuurkiisa, bishii horre ayay ahayd markii qarax miino oo loogu xiray baabuurkiisa xildhibaan Riino uu ku dhintay xildhibaan kalena uu ku dhaawacmay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com