Xog: Mooshin diyaariskiisu uu socda iyo R/W Cabdi Weli oo hortagaya BFS

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isuul wasaraha DF Cabdiwali Shiikh Axmed ayaa lagu wadaa inuu maanta hortago mudanayaasha Baarlamaanka si uu uga war bixiyo barnaamijka xukuumadiisa iyo waxa ay qabatay mudad uu jiray gollaha uu hoggaaminayo.

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda haatan kulamo gooni gooni ah oo ay lee yihiin mudanayaasha baarlamaanka DF gaar ahaan kuwa dhaliilsan howlaha xukuumada.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya inay qaar ka mid ah xildhibanadan diyaarinayaan mooshin dhan ah xubno ka tirsan xukuumada Raysal wasaare Cabdiwali Sheekh.

Waxaa jira Wasiiro ay ka mid yihiin wasiirka Amniga Qaranka iyo wasiirka Arimaha Gudaha, oo xildhibaanno kasoo jeeda Jubbooyinka iyo Puntland ay doonayaan in meesha laga saaro.

Wasiiradan ayaa xaldhibaanada waxa ay mar ugu baaqeen inay iscasilaan, waana ay ku gacan seereen.

Xildhibaanadan ayaa horay ugu baaqay Cabdiwali Shiikh Axmed uu hor yimaado i uu u cadeeyo qorshiiisa ku aadan xasilinta dalka iyo hormarintiisa.

Guuleed iyo Goodax waxay qabiil ahaan ka dhasheen Hawiye, waxayna Xeeldheerayaasha tilmaameen in ololaha xilka qaadistooda ay daaha gadaashiisa ka abaabulayaan Cabdiwali Gaas iyo Axmed Madoobe, oo dhowaan xulufo la sameystay ra’iisul wasaaraha.

“Wasiirka Arrimaha gudaha Somalia Abdullahi Barre Goodax kuma lug laha Damujadiid, mana khuseeyaan ammaanka laakiin waxaa dagaal xoogan kula jira Puntland iyo kooxda Axmed Madoobe oo ku doodaya inaysan Hawiye qaadan karin Wasaaradda Arrimaha gudaha” ayey yiraahdeen Xildhibaano u dhashay beesha Hawiye oo la hadlay Caasimada Online.

Wasaaraddan ayaa loo arkaa mid muhiim ah sababo la xiriira nidaamka federaalka iyo dhismaha maamul goboleedyada.

Ra’iisul wasaaraha, ayaa la sugayaa waxa uu maanta kaga jawaabo su’aalaha baarlamanka iyo inuu difaaco wasiiradiisa, sababta oo ah eeda isagaba kama marnaan doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com