Shirkad billaabeysa duulimaadyo ah From London, Stockholm to Muqdisho

London (Caasimada Online) – Bulshada Soomaaliyeed waxaa la ogeysiinayaa in shirkada duulimaadka Fly Olympic ay bilaabeyso dulimadkeedii ay ku tagi lehayd magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia.Waddamada ay ka imaan doonto waxaa ka mid ah UK iyo Sweden iyadoo ay tahay diyaaradii ugu horeysay ee qaadi doonta rakaab kana amba bixi doonta wadamada Europe si toosana u caga dhigan doonta magaalada Muqdisho, kadib Turkish Airways.Sida uu ku waramay afhayeenka diyaarada Fly Olympic qeybteeda Somalia Bashiir Salaad Ugaas diyaaradu waxa ay sameysay qeyb ugooni ah dadka Soomaaliyeed si ay doonaya macluumadka diyaaradda.

Waqtiyada ugu horreeya uu bilaaban doon duulimaadka diyarada Fly Olympic ayaa ah 6 bisha June 2014 iyadoo ka amba bixi doonta magaalada London si toosana u caga dhigan doonta magaalada Muqdisho

Sidoo kale duulimaadka xiga ee ay sameyn doonto diyaarada ayaa ka bixi doona Stockholm oo ah casimadda Sweden 13-ka June, iyadoona toos uga degi doonta Muqdisho

Ahmed Xassan oo ah agaasimaha shirkada qeybteeda qaabilsan Somalia ayaa isaguna bulshada Soomaaliyeed u balan qaaday in ay heli doonaan duulimaad toos ah iyo qiima macquul ah.

Dad badan oo Soomaali ah kuna nool qurbaha gaar ahaan kuwooda dagan Europe ayaa fursad u heli doona duulimaad toos ah iyo waliba qiima macquul ah.

Haddaba waxaa lagu war gelinayaa Soomaalida ku nool waddamada Europe in ay ka faa’iideystaan duulimadkan tooska ah ee diyaarada Fly Olympic ku tagi doonto Muqdisho.

Si aad u hesho macluumaad dheeriya fadlan booqo webka diyaaradaa ee www.flyolympic.se.
nala soo xariir

ahmed@flyolympic.se

Ahmed 46 (0)707 65 4698

Bashiir 46 (0)700065000