TARSAN oo caawa hadlay sheegayna…

Muqdisho (Caasimada Online)- Guddoomiyihii horre ee gobalka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsa) ayaa caawa ka hadlay qarixii maanta uu ku dhintay xoghayihii hore ee maamulkiisa, Cabdikaafi Hilowle Cisaman.

Tarsan oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu aad uga xumaaday qaraxa uu ku dhintay xoghayihii gobalka Banaadir isagoona si kulul u cambaareeyay.

Wuxuu sheegay in dhimmashadiisa ay ku noqotay tii ugu nexdinta badneed ebid ee loo soo sheego sidda uu yiri.

Tarsan wuxuu sheegay in uu ku baaqayo adkaynta ammaanka magaalada Muqidsho iyo ilaalinta mas’uuliyiinta dowladda xittaa haddii ay xilka wareejiyaan.

Tarsan ayaa la weydiiyay nooca qaraxa uu ahaa,wuxuu sheegay qaraxa in uu ahaa kuwa lagaliyo waddooyinka sidda loo shegeay, balse waxaa loo baahan yahay in ay booliska keenaan baaritaan degdeg ah, ayuu yiri.

Tarsan waxaa la weydiiyay bal wax tallosiinayo maamulka cusub ee gobalka Banaadir.

Wuxuu sheegay in cid tallo soo weydiistay aaney jirin haddii uu wax sheegana loo arkaayo dhaliil markaas arrintaas waan ka gaabsanaa” ayuu yiri.

Hadalka guddoomiyihii horre ee gobalka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan aya kus oo aadaya iyadoo maanta qarax miino oo ka dhacay Muqdisho uu ku dhintay xoghayihii horre ee gobalka Banaadir, Cabdikaafi Hilowle Cismaan.

Caasimad Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com