26.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

DEG DEG: Qaraxyo & rasaas xooggan oo caawa gilgilay magaalada Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, ayaa cawaa meelo badan laga maqlay qaraxyo iyo rasaas xooggan.

Degmooyinka qaraxyada ay ka dhaceen ayaa ka mid ah Xamarwayne iyo Yaaqshid, halkaasoo dhowr qarax ay ka dhaceen.

Qaraxyada markii ay dhaceen kaddib, waxaa waddooyinka lagu daadiyay askar fara badan, kuwaasoo joojiyay isku socodka iyo dadka.

Ciidamada ayaa lagu arkayaa isgoys kasta oo magaalada ku yaalla, waxaana ay xireen qaar ka mid ah wadooyinka sidda Makah Al-Mukaramah.

Ma ahan markii ugu horreysay oo qaraxyo iyo rasaas magaalada Muqdisho laga maqlay, waxaana ugu dambeeyay billowgii sannadkan markii weerarro is qarxin lagu qaaday Hotelka Jazeera oo u dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Wixii ku soo kordha kala soco Caasimada Online

- Advertisement -

Read more

Local News