Maxaa caawa ka socda xafiiska RW cusub ee Somalia? (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in raysal wasaaraha cusub Cabdiweli Sheekh Axmed uu si rasmi ah ugu wareegay maanta xafiiska raysal wasaaraha.

Waxaana la sheegay in uu halkaa baneeyay raysal wasaarihii horre Cabdi Faarax Saacid Shirdoon.

Ra’iisal wasaarihii horre ayaa maanta inta uusan ka bixin xafiiska wuxuu qabtay xaflad sagootin ah, oo uu la qaatay shaqalihii la soo shaqeeyya mudadda sannadka ee uu joogay xafiiska.

Ra’iisal wasaaraha cusub ayaa caawa ku hoyanaya xafiiska kaddib markii maanta uu helay codka kalsoonida baarlamaanka Soomaaliya.

Si kastaba, raysal wasaare Cabdiweli Sheekh ayaa haatan looga fadhiyaa inuu soo magacaabo gole cusub oo wasiirro ah, kaas oo isna la hor gayn doono baarlamaanka si loo meel-mariyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqidsho

Caasimada@live.com