QM oo war kasoo saartay wixii maanta ka dhacay xarunta BF Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweysay go’aanka baarlamaanka Soomaaliya uu maanta codka kalsoonida ku siiyay ra’iisal wasaaraha cusub Cabdiweli Sheekh Axmed.

War-qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Somalia, danjire Nicholas Kay, ayaa loogu hambalyeeyay ra’iisal wasaaraha cusub.

Kay ayaa yiri “Waxaan u hambalyeynayaa ra’iisal wasaaraha dalka Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed waxa uu la wareegayaa xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya oo qaadaya talaabooyin 2014ka oo ah dhanka horumarka, nabadda iyo barwaaqada, Xafiska Qaramada Midoobay ee UNSOM waxa uu wadi doonaa in uu taageero dowlada Federaalka ah, waxaana uu ka taageeri doonaa dhanka nabadda iyo dadaallada lagu dhisayo dowladda” ayuu Mr kay hadalkiisa raaciyay.

Mr. Kay ayaa ku ammaanay Raysal wasaarihii horre ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” in uu ka dhabeeyay balanqaadyadiisa ku aadanaa dhanka dastuurka Federaalka ah iyo habdhaqanka wanaagsan ee uu Mas’uuliyadda ugu wareejinayo ninka isaga badalaya.

“Waan fdareenayaa in R/wasaare Cabdiweli uu sameyn doono latashiyo wanaagsan si uu u soo dhiso Golahiisa Wasiirada cusub, iyadoo ujeeddadu ay tahay in la dhiso dowlad balaaran oo loo dhanyahay, awoodna u leh in ay hirgeliso sharciga, dowlad wanaagga iyo adeegyada bulshada” ayuu Kay markale hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn Mr.Kay ayaa ku booriyay xildhibaannada baarlamaanka iyo madaxweynaha in ay sii wadaan ka shaqeynta wada jirka ah, iyadoo ixtiraam buuxda la siinayo dastuurka Federaalka ah, waxaana uu ammaanay dowrka mas’uuliyadeed ee ay ka cayaareen baarlamaanka Soomaaliya xiligan muhiimka u ah taariikhda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com