Ku dhawaad 100 qof oo Somali ah ayaa ku go’doonsan xero K/Sudan ku taalla

Juba (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in halkaas ay ku go’doonsan yihiin 90-qof oo Soomaali ah, kuwaasoo ku jira xero ay lee dahay QM, kaddib markii la dhacay wixii hanti ah oo ay lahaayeen.

Dadkan Soomaalida ayaa ka mid ah kumannaan qof oo u ciirsi raadsaday goobaha ay ciidanka Qaramada Midoobay ku sugan yihiin, kaddib markii dagaallo ay ka dhaceen xarunta gobalka Jogalii ee Bor.

Ganacsade Saleemaan Xaaji Cabdulaahi, ayaa BBC-da u sheegay in ay ku xareesan yihiin xero qoxooti kaddib markii la dhacay wiixii hanti ah oo ay lahaayeen, wuxuu kaloo sheegay in gaajo ay ku heyso goobta ay ku sugan yihiin oo ay ka cabsi qabaan nafsadooda.

“Cunto iyo biyo ma heesano,cid wax nasiineysa ma jirto, saakay labo diyaarad ayaa halkan timid iyagana waa la weeraray, annaga wixii hanti ah oo aan lahayn waa la dhacay” ayuu yiri Saleemaan.

Waxa la weydiiyay in ay xiriir la sameeyeen safaarada Soomaalida ee Juba, wuxuu sheegay in safiirka loo sheegay in uusan joogin cid ka warqabta aysan jirin, isagoona ku cataabay diyaarad in loo soo kireeyo si ay meesha uga soo badbaadaan.

“Diyaarad xittaa hanaloo soo kireeyo annaga ayaa la baxeena lacagta, meeshan waxaan ku dhibaateesanahay, cuduro ayaa ka dilaacay” ayuu yiri markale ganacsadaha Soomaalida.

Wuxuu sheegay oo kale, in maalin dhexdaas meydka Soomaali la dilay loogu keenay malaayin dollar,
Magaalada Jubba waxaa hadda ku sugan wafdi ka socda dowladda Soomaaliya, kuwaasoo qayb ka ah wasiiradda arrimaha dibedda IGAD, waxaana ay ku howlan yihiin daminta xiisada ka taagan dalka ugu dambeya ugu yar qaarada Afrika.

Ugu yaraan 500 oo qof ayaa ku dhimmatay dagaalada ka socda South Sudan waxaa ku jirra shan qof oo Soomaali ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Naiorbi

Caasimada@live.com