Xog ku saabsan sababta Shariif Xasan uu dib ugu soo laabtay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Shabakadda Caasimada Online ayaa ogaatay sababta Shariif Xasan Sheekh iyo xildhibaanno kale oo ku sugnaa Baydhabo ay dib ugu soo laabteen magaalada Muqdisho.

Xogta aan helay ayaa ka mid ah in Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari uu qoray warqad uu si degdeg uga codsaday xildhibaannada ku sugan Baydhabo kuwaasoo loo sheegay in ay dib ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho.

Xildhibaanno kor u dhaafaya ilaa 20 ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, kuwaasoo kala taageersanaa shirarka maamulada lixda iyo seddaxda gobal loogu sameenaayo ee ka socda Baydhabo.

Xildhibaannadan ayaa loo sheegay in marka uu yimaado ra’iisal wasaaraha in uu kulan la qaadan doono kaasoo looga hadlaayo dhibaatada ka taagan magaalada Baydhabo, oo afartii maalmood ee la soo dhaafay ay ka dhacayeen dibadbaxyo rabashada wata.

Shariif Xasan iyo xildhibaannada la socda oo ah kuwa isku mowqif ayaan la hadlin saxaafadda markii ay garoonka ka soo daggeen.

Si kastaba, waxaa muuqata in Shariif Xasan Sheekh Aadan uu markii labaad ku soo guul dareestay in uu hirgaliyo qorsho uu wato oo ah in la dhiso maamul ka kooban seddax gobal.

Magaalada Baydhabo waxaa maalintii afaraad maanta ka dhacay dibadbaxyo rabshado wata oo looga soo horjeedo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com