AHLU-SUNNA oo maamul FEDERAAL ah dhisaneysa & go’aan ay ka gaartay DF

Dhuusamarreeb (Caasimada Online) – Maleeshiyada Ahlu Sunna ayaa sheegtay in ay dhawaan sameesan doonaan maamul gobaleed ay ku mideesan yihiin dhammaan maamulada ka jira gobalada dhexe,oo federaalka ka qeyb noqday.

Guddoomiyaha Gudgiga Talada Ahlu Suna ee gobolada dhexe Sheekh Cumar Sheekh Cabdiqaadir Aadan, oo galabta la hadlay Idaacadda maxaliga ee Goobjoog ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay noqotay “La mood noqose weyday”

Wuxuu sheegay dowladda Soomaaliya in ay dooneyso in ay la burburiyo maamulka Ahlu Sunna “Laakin arrintaas ma dhaceyso” ayuu yiri.

“Kooxda Damjadiid ee dalka ka talisa waxbo kama duwan dowladii horre ee Sheekh Sheekh Axmed waxa ay ka siman yihiin in la baabi’iyo Ahlu Sunna, oo taas waxaaba ay noo caddaatay markii ay halkan yimaadeen oo wixii la ogaa ay nagu dhaheyn. annagu kooxdaas waxbo kama rabno waligeen hortoodana waan jirnay” ayuu yiri markale guddoomiyaha golaha talada Ahlu Sunna.

Wuxuu kaloo sheegay in dhawaan ay sameen doonaan maamul gobaleed la mid ah kuwa ka dhisan dalka siddaasna ay kula dhaqmi doonaan dowladda Soomaaliya.

“Waxaan dhawaan sameesan doonaa maamul gobaleed loo sameeyo gobalada dhexe oo waxa aan kala tashan doonaa maamulada kale ee ka dhisan gobalada dhexe” ayuu yiri Sheekhu.

Xiriirka dowladda Soomaaliya iyo Ahlu Sunnada gobalada dhexe ma fiicneen maalmahan dambe, waxaana ay ka dambeesay markii wafdi wasiiro ah oo tagay Dhuusamarreeb ay Ahlu Sunna u sheegeen in maleeshiyaadka u dagaallama la soo wareejiyo si looga dhigo ciidamo qaran, isla markaana la baabi’iyo magaca Ahlu Sunna, arrintaas waxaa ka hor yimid Ahlu Sunna oo ku tilmaamay shir qool loo maleegaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com