BEESHA CAALAMKA oo taageertay qorshaha DENI

Garoowe (Caasimada Online) – Wakiiladda beesha caalamka ayaa bayaan cusub kasoo saaray doorashooyinka Puntland ee ka taagan yihiin muranka xooggan, ayada oo u muuqata inay taageertay isku dayga uu Deni ku qabanayo doorasho qof iyo cod ah.

Bayaanka ayey xubnaha beesha caalamka ku dalbadeen in dhinacyada siyaasadda ay ka shaqeeyaan sidii doorashada loogu qaban lahaa jawi nabdoon.

Beesha caalamka ayaa waxay ku wargelisay madaxweyne Saciid Deni iyo mucaaradkiisa in miiska wada-hadalka lagu xaliyo khilaafka jira, iyada oo loo marayo hanaan sharci ah.

“Ka hor doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee Puntland ee dhacaya 25-ka Maajo, saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka, waxay shacabka Dowlad Goboleedka Puntland ee Xubinta ka ah Dowladda Federaalka ku bogaadinayaan sida ay uga go’antahay inay ka mirodhaliyaan himmiladooda iyo ballanqaadyadooda dimoqraadiyadeed.”

Wakiiladda caalamiga ah ayaa waxay qireen dadaallada, sida gaarka ah uu bixiyay Guddiga Ku-Meel-Gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), si looga gudbo caqabadaha waaweyn ee horyaalla u diyaargarowga dhacdadan taariikhiga ah ee doorashada tooska ah.

Sidoo kale waxaa bayaankan lagu sheegay inay ku dhiiri-gelinayaan dhammaan daneeyayaasha inay gacan ka geystaan xaqiijinta ​​sidii doorashada loogu qaban lahaa jawi nabdoon iyo in wax laga qabto su’aalaha ama khilaafaadka iman kara iyadoo loo marayo wadahadal iyo hanaanka sharciga.

Wakiiladda caalamiga ah ayaa waxa kale oo ay sheegtay inay rumeysan yihiin in khibradda ay Puntland u leedahay doorashooyinka tooska ah ay wax bari karto oo ay dhiiri-gelin karto fidinta dimoqraadiyadda Soomaaliya oo dhan, ee heer kasta oo dowladeed.

“Saaxiibda waxaa weli ka go’an inay taageeraan hannaanka dimuqraadiyeynta Soomaaliya.”

Bayaankan ayaa waxa uu imanaya maalmo kadib markii dalal ay kamid yihiin, Mareykanka, UK, Switzerland, Sweden, Danmark, Norway, Germany iyo weliba Midowga Yurub ay walaac ka muujiyeen xiisadda ka dhalatay khilaafka doorashada Puntland.

Dhowaan ayay ahayd markii Madasha Siyaasadda Puntland oo ay ku mideysan yiihiin xubnahaha mucaraadka ay hortimid doorashooyinka golaha deegaanka ee Puntland, kadib shirweyne xasaasi ah oo ay ku yeesheen Garoowe, kaas oo ay kasoo saareen bayaan culus.

Byaaankan ayaa waxa si wada-jir ah u soo saaray: Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Denmark, Jabuuti, Itoobiya, Wafdiga Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Iswiidhan, Turkiga, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.