DF Soomaaliya oo shaacisay in la duqeeyay JILIB

Jilib (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goordhoweyd shaacisay in la duqeeyay magaalada Jilib ee gobolka Jubadda Dhexe.

Jilib oo ah xarunta u weyn ee kooxda Al-Shabaab, ayaa waxaa weerarkan ka fuliyay ciidamada qalabka sida ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah.

Warbaahinta dowladda ayaa shaacisay in weerarkan oo lagu beegsaday bartilmaameedyo gaar ah uu geestay khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo xarumo la burburiyay.

Wakaaladda wararka dawladda Soomaaliya ee SONNA ayaa intaas kusii dartay in duqaynta lala beegsaday xarunta ururka Al-Shabaab ee Jilib, islamarkaan uu jiro khasaare xooggan.

Majirto faah-faahin intaas ka badan, balse waxaa la filayaa in saacadaha soo aadan ay soo saarto dowladda faah-faahinta howl-galkan gaarka ah ee ka dhacay Jilib.

Howl-galkan ayaa imanaya xilli ay dhawaan kooxda Al-Shabaab ay shir qarsoodi ah oo looga hadlayay waxay ugu yeerto ihaadka ka socda Bariga Afrika, kaasi oo lagu qabtay gobolka Jubbada Dhexe.

Shirkaas oo ay ka qeyb-galeen in ka badan 100 xubnood oo isugu jira madaxda, culimada iyo odayaasha kooxda Al-Shabaab, ayaa waxay warbaahinta kooxda ay shaacisay inuu ka qeyb-galay Amiirka Al-Shabaab Axmed Cumar Abuu Cubeyda.