DF oo saraakiil dowladeed u xirtay musuq-maasuq

Muqdisho (Caasimada Online) – Masuuliyiin ka tirsan wasaaradda maaliyadda ayaa goordhoweyd lasoo xiray, sida uu shaaciyay xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Saraakiishan oo ka tirsan wasaaradda maaliyadda, gaar ahaan canshuuraha berriga, ayaa lagu soo eedeeyay xatooyo xoolo dadweyne iyo sameynta dokumentiyo dowladeed oo been abuur ah, sida boonooyin lacag qabasho oo lagu qoray xog been abuur ah.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa shaaciyay waaxaha ay ka howl-galayeen saraakiishan, kuwaasi oo kala ahaa; khasnajiga xafiiska canshuuraha beriga ee degmada Warta-nabadda iyo madaxii hore xafiiska canshuuraha beriga ee degmadaasi, haddana ah madaxa canshuuraha berriga ee degmada Xamar-Jajab iyo sarkaal kale oo uusan shaacisan.

“Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu ugudbin doonaa eedeysanayaasha maxkamadda awoodda u leh marka ay soo dhamaato baarista kiiska loo haysto si loo horkeenno cadaaladda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed goordhoweyd kasoo baxay Xafiiska.

Xafiiska ayaa sidoo kale waxa uu digniin culus u diray cid walba oo ku hawlan fal dembiyeedyada sare ku xusan, ee ah damaaciga hantida dadweynaha iyo sameynta dokumentiyada been abuurk ah.

Sidoo kale waxa uu bogaadiyay howl-gallada lagula dagaalamayo xatooyada xoolaha dadweynaha iyo sameynta waraaqaha been abuurka ee ay wadaan hay’addaha amniga.

“Xafiiska waxa uu uga digayaa saraakiisha dowladda, shirkadaha iyo hay’addaha la-macaamila hay’addaha dowladda in ay qeyb ka noqdaan dembiyada la xiriira musuq.”

Tallaabadan ayaa imaneysa xilli ay dhawaan dowladda federaalka Soomaaliya xirtay saraakiil dowladeed, oo la horgeeyay maxkamadda gobolka Banaadir, kuwaasi oo ciidamada booliska ay 20-kii April ee sanadkaan kasoo xireen garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Saraakiishan dowladeed ayaa waxaa loo haysta musuq-maasuq, been abuur, ku takri-fal awood dowladeed, waxayna hrodhac u yihiin shabakad ballaaran oo ku eedeysan xatooyada iyo lunsashada xoolaha dadweynaha, wuxuuna xarigooda qeyb ka yahay dagaalka ay dowladda kula jirto musuq-maasuqa.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale weli ku raadjooga shaqsiyaad kale oo ka tirsan shabakadaan ay qeybta ka ahaayeen saraakiishan u xiran dowladda, kuwaasi oo iyaguna la horgeyn doono cadaaladda.