Xukunka dagaalkii isgoyska Siinaay oo maanta la riday

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday askartii ka dameeysay weerarkii isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho.

Weerarkaas oo 27-kii bishii February ee sanadkaan lagula beegsaday guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Saleemaan Maxamuud Fargax, ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray askar kamid aheyd ilaalada guddoomiyaha.

Sidoo kale guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ayaa isna dhaawacmay ku dhaawacmay iyo dad shacab ah oo isgoyska ku sugnaa.

Xukunka maxkamadda maanta kasoo baxay ayaa waxa uu udhigna sidan;

1. Cabduqaadir Xasan Cabdulle Sheelaro oo ah askariga koowaad ee loo haysto weerarkasi ayaa lagu xukumay dil toogasho ah.

Ninkan ayaa waxa uu qori dhashiiko ah ku dilay lix ruux oo lagu kala sheegay Ilhaan Cabdijamaal Maki oo aheyd hooyo uur laba bilood leh, Cabdullaahi Cabdi Maxamuud oo ahaa darawal gaari, Ilyaas Axmed Nuur, Ayuub Daa’uud Xuseen, Cabdikhadar Maxamed Xuseen  iyo Isaaq Xuseen Maxamuud oo isagna ahaa darawaliinta ku shaqeysta mootooyinka bajaajta.

2. Axmed Mire Cismaan Fiidow, Maxamuud Cabdi Maxamed, Cabdullaahi Cismaan Isaaq Ibraahim oo loo heysto inay dileen Cabdullaahi Maxamuud Huubleey iyo Daahir Xuseen Axmed Dooli oo ka tirsanaa ciidamada ilaalada guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, iyaga oo is-dhiibay, waxaana lagu xukumay dil toogasho ah.

3. Ayaanle Maxamed Diiriye Warsame iyo Sayid Cali Cabdullaahi Abshir oo loo heysto in mid uu riday xabadii ugu horreysay midna uu isku dayay marin habaabinta Garsoorka ayaa lagu xukumay min Shan sano oo xabsi ciidan ah.

4. Sidoo kale, maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun min saddex sano oo xabsi ciidan ah ku riday Cabdikariin Shaafici Cismaan, Cabdullaahi Cali Isxaaq, Cabdikariin Maxamed Siyaad, Cabdullaahi Xersi Geedi, Maxamed Cali Cabdullaahi oo lagu helay falal ay kamid yihiin, handadaad, amar diido Cciidan iyo inay u dhaqmeen sida maleeshiyaad oo kale.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa ugu dambeyntiina waxay siideysay Axmed Cali Axmed Maxamuud (Macalinka) oo wax dambi ah lagu waayay, sida uu warbaahinta u sheegay guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute.