Taliye ku-xigeenkii hore ee garoonka Garowe oo la dilay

Garoowe (Caasimada Online) – Taliye ku-xigeenkii hore ee ciidanka ilaaladda ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ayaa maanta lagu dilay magaalada Garoowe ee xarunta dowlad-goboleedka Puntland.

Dilka sarkaalkan ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan, waxayna qaarkooda sheegayaan inuu u geeriyooday tacshiirad ay ku fureen maleeshiyad ka amar qaata siyaasiyiinta mucaaradka ee diidan qorshaha doorasho ee madaxweyne Saciid Deni.

Xiddigle Xayle Carabay Xiireey ayaa la sheegay in xilliga falka uu dhacay uu ku sugnaa aagga garoonka diyaaradaha, mana jirto wax faah-faahin rasmi ah oo laga helayo dilkiisa.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in meydka sarkaalkan uu hadda yaallo isbitaalka guud ee Garoowe. Halkaas oo sidoo kale maalmihii tegay ay talaagad ku jireen laba askari oo ku dhintay iska hor-imaad doorashada la xiriiray oo ka dhacay isla magaalada Garoowe ee xarunta dowlad-goboleedka Puntland.

Dilka sarkalkaan ayaa yimid xilli ay socotay waan-waan iyo dhex-dhexaadin lagu soo afjarayo khilaafka ka dhashay doorashada Puntland, islamarkaana siyaasiyiinta mucaaradka lagu qancinayo inay joojiyaan is hor istaagga ay ku sameynayaan doorashada golaha deegaanka ee Puntland ka dhacay dhacaya 25-ka bishan May.

Isimida waan-waanta ka dhex wada mucaaradka iyo Deni ayaa dhawaan ku dhawaaqay in doorashada goleyaasha deegaanka Puntland qabsoonto, kadib la iskugu yimaado wada-tashi guud iyo halka la aadayo 8-da Janaayo ee 2024-ka.

Si kastaba, Xiisadda ka taagan doorashada Puntland ayaa u muuqata mid kasii dareysa, iyada oo duleedka bari ee magaalada Garoowe ay ku sugan yihiin ciidamo ka amar qaata mucaaradka, si ay isku hortaagan sanaaduqda doorashada ee loo gudbinayo degmooyinka kale ee gobolka Nugaal.

Dalabka u weyn ee mucaaradka ayaa ah “in mugdi la galin doorashada madax-tinimada ee 2024-ka,” iyaga oo kasoo horjeeda in ururada siyaasadu wax go’aan ah ku yeeshaan doorashadaasi.