R/W Xamza oo Muqdisho ka dhoofay iyo halka uu kusii jeedo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa halkaas waxa uu kaga qayb-galaya shir madaxeed looga hadlayo isku dubaridka ganacsiga gaarka loo leeyahay, si ay door uga qaataan dadaallada wax looga qabanayo saameynta isbeddelka cimilada.

Kulanka oo ah midka sanadlaha ee Bangiga Horumarinta Afrika ayaa sidoo kale madaxdu uga doodi doontaa caqabadaha heysta dhaqaalaha adduunka iyo doorka bangiyada horumarinta ee caalamiga ah.

Safarkan ayaa kusoo aadaya xilli madaxweynaha Jamhuuriyadda uu ka maqan yahay dalka, islamarkaana uu safar qarsoodi ah ku tegay dalka Imaaraadka Carabta, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar, ayaa waxa hore ugu sugna wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, kadib markii uu shalay halkaasi kaga qayb-galay shir gaar ah oo ay isugu yimaadeen wasiirada maaliyadda iyo madaxda bangiyada dowliga ah ee dalalka Bariga Afrika oo Soomaaliya ay xubin muhiim ah ka tahay.

Kulankaas oo looga wada-hadlay arrimaha horumarinta dhaqaalaha dalalka Bariga Afrika iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha ku hor gudban dhaqaalaha.
Shirka ayaa sidoo kale waxaa looga dooday sidii dal waliba uu maal-galin u gaar ah uga heli lahaa Bangiga Horumarinta Afrika.
Si kastaba, dhawaan waxaa si rasmi ah uga furmi doona magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar shirka sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika iyo shir-madaxeed looga hadlayo isku dubaridka ganacsiga gaarka loo leeyahay.