La-taliyaha madaxweynaha Maxkamadda ICC oo baaq u diray dowladda Xasan Sheekh  

Hague (Caasimada Online) – La-taliyaha Madaxweynaha Golaha ee Maxkamadda Dambiyadda Caalimiga (ICC) Mudane Mahad Axmed Xaaji ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray waxa uu kaga hadlay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay inay ku biirto ICC. 

Qoraal uu soo dhigay Twitter-ka ayaa waxa uu la-taliyaha  ugu baaqay dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh  in miiska lasoo saaro islamarkaana la ansixiyo kamid noqoshada ICC. 

Waxa uu Mahad Xaaji xusay in xildhibaano badan oo ka tirsan Golaha Shacabka inay doonayaan arrintan si loo helo cadaalad iyo isla xisaabtan lagana hortago danbiyada dagaal (War Crimes) ee aan xal loo helin ee ka dhaca Soomaaliya. 

Waxa uu sidoo kale Dowladda ugu baaqay in ay horgeyso Xeerka dambiyada dagaal ee la yiraahdo Rome Statute, loona baahan yahey in la horkeeno Baarlamaanka inta aan la furin 29 May si loogu daro ajendaha. 

Mudane Mahad Axmad Xaaji wuxuu ugu baaqey in xukumadda uu hogaamiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre iyo Villa Somalia in lasoo dedajiyo  xeerarkan, waxaana uu uga  digey dib u dhac in aan lagu sameyn kuna bogaadiyey.

Ansixinta Xeerka waa shaqo Baarlamaan sida ku xusan marka dal uu doonayo in uu ka mid noqdo ICC. Waxa uu tilmaamay in dowlada aysan ansixi karin  Xeerka danbi dagaal ilaa laga soo bilaabey 2002, dowlada doorkeeda waa gudbiyaha natiijada iyo horgeynta Baarlamaanka oo kaliya. 

Soomaaliya waxaa saaran cunaqabateynta hubka taas oo ay Golaha Amaanka ay saareen, waxaana haddii ay ku biirto maxkamadda ay suuragal tahay in laga qaado.