Daawo: DF oo shaacisay in lasoo afjaray weerarkii Villa Rays iyo khasaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidamada Booliska oo galabta qabtay shir jaraa’id, ayaa shaaciyay in lasoo afjaray weerarkii Hoteelka Villa Rays, islamarkaana ay gebi ahaanba ciidamada dileen raggii soo qaaday weerarka.

Waxa uu sheegay in dagaal-yahaanada soo weeraray Hotelka ay ahaayeen lix dhagar-qabe, waxayna ciidamada dowladda ay toogteen shan kamid ah raggaasi, halka midka kalena uu is qarxiyay.

“Khawaarijta ayaa dishay illaa siddeed qof oo Shacab ahaa oo ku sugna Hoteelka, waxay ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen inay soo bad-baadiyaan 60 qof oo Shacab ah,” ayuu yiri Afhayeenka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uusan jirin wax dhaawac ah oo soo gaaray dadka shacabka ah, halka ay ciidamada ammaanka ka dhinteen 1 Askari, ayada oo ay ka dhaawacmeen 5 kale.

“Waxaa ka tacsiyeynayna qoysaskii, eheladii iyo dhamaan qaraabadii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay Hoteelka oo isugu jira dadka shacabka iyo ciidamada ammaanka. Ilaahay waxaa ka baryeyna inuu u booga-dhayo inta dhaawaca.”

Ciidamada ammaanka ee dowladda ayey saacado badan ku qaadatay inay soo afjaraan weerarka hoteelka Villa Rays, oo xalay fiidkii ay gudaha u galeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasi oo markii hore laba qarax ku dhuftay albaabka hore ee hoteelka.

Villa Rays oo saaran darbiga Madaxtooyada, ayaa waxa uu ku yaalla goob amnigeeda si weyn loo ilaaliyo, waxaana deganaa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, sida wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka.

Weerarkan oo dhaliyay shaki badan ayaa waxa uu kusoo aadaya, xilli haatan dalka uu ka socdo kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab, kaasi oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, kuwaasi oo kooxda kala wareegay deegaano badan oo ay sanado dhowr ah gacantooda ku jiray.

Hoos ka daawo