Sawirro: Shir muhiim u ah Soomaaliya oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay shirweynaha caalamiga ah ee maalgashiga Soomaaliya, wuxuuna madaxweynuhu khudbad ka jeediyey furitaanka shirkaas, isagoo maalgashadeyaasha ku dhiiri-geliyay in dalkeenna ay ka jirto fursado maalgashi oo balaaran.

Shirkaan waxaa soo qaban qaabiyey wasiirka qorsheynta iyo maalgashiga caalamiga ah Mudane Maxamuud cabdiraxmaan Beenabeene iyo wasaaradiisa Qorsheynta.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka warbixiyey qorsheyaasha dowladda ee ku aadan xaqiijinta Soomaaliya ku habboon maalgashi, taasi oo ay aas-aas u tahay dabar-goynta argagixisada, horumarinta shuruucda iyo dowladnimada, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo ka mid noqoshada suuqyada iyo ururrada caalamiga ah ee ganacsiga.

“Inkasta oo aan halkan u imid si aan u dhiirri-geliyo maalgashiga dalkayga, haddana waa garowsanahay caqabadaha nagu xeeran oo ay ugu horeyso argagixisada, abaaraha, hanaanka dhaqaalaha oo dib u habayn u baahan iyo shaqo la’aanta dhallinyarada, haddana dhamaan arrimahaas waxaa barbar socda dadaalo aan ku xalinayno iyo fursado balaaran oo ka jira dalka,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu madaxwxeynuhu bogaadiyey dhabar-adayga iyo kartida dadka Soomaaliyeed iyo sida aysan u niyad jabinayn ficilada guracan ee ay soo maleegaan argagixisadu, waxa uuna xaqiijiyey in dalka laga cirib-tiri doono arxan-laaweyaashaas, si sharaf iyo barwaaqo ay ugu noolaadaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina ku bogaadiyey ganacsatada iyo qurba-joogta Soomaaliyeed sida ay hantidooda ugu soo celiyeen dalkooda, door muuqdana uga qaadanayaan horumarka.