Dhageyso: Wasiir weerarkii Villa Rays ka badbaaday oo shaaciyey xog cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dr. Aadan Aw Xirsi oo kamid ahaa masuuliyiintii kasoo badbaaday weerarkii ay argagixisada ku qaaday hoteelka Villa Rays, ayaa markii u horeysay ka sheekeeyay sida ay wax u dhaceen.

Wasiiru-dowlaha oo la hadlay VOA ayaa sheegay in Hoteelka uu qaraxa ku haleelay uu ka socday shir siyaasadeed ay qeyb ka ahaayeen masuuliyiin uu kamid yahay oo uu ku jiray Wasiirka Amniga.

“Anaga oo Cishihii tukanay oo ka dareernay ayaa waxa dhacay qarax weyn oo gilgilay aas-aaskii Hoteelka oo dhan, daadiyayna meelihii muraayadaha lahaa iyo daaqadihii. Intaas kadib waxaa ogaanay in nala soo weeraray oo ay daba joogaan argagixiso lug ah oo dadka leynaysa.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in dad uu kamid yahay u suurta-gashay inay ka fakadaan albaab dambe oo Hoteelku lahaa, ayna uga sii gudbeen Qabuuro ku yaalla halkaasi, islamarkaana ay ku dhamaadeen guriga Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi.

“Hoteelka waxaa ka socday shir shaqo oo sidoo kale ahaa mid siyaasadeed, waad ogtahay siyaasiyiinta waxay kala metelaan dad kala duwan, marka Wasiirka amniga, aniga, ganacsatada iyo aqoon-yahaanadii ku shireysay ayaa shirar isdaba joog ah ku lahaa oo maalintii uu dhamaan lahaa waxay aheyd maalintaas,” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha.

Waxa uu gebi ahaanba ka gaabsaday in uu ka hadlo waxa ay ka dhigan tahay in Shabaab ay soo weeraraan Hoteel Villa Rays oo ku yaalla agagaarka Villa Somalia, oo si weyn loo ilaaliyo amaankeeda.

“Aniga waxa ka jawaabi kara su’aallaha qolada la weeraray, qolada meesha weerartay halka ay soo mareen iyo kuwii ka celin lahaa sababta ay uga seexdeen waxaa la weydiinaya jihooyinka kale.”

Waxaa isa-soo taraya walaac xoogan iyo tuhuno laga muujinayo sida ay Al-Shabaab ugu suurta-gashay qorsheynta weerarkan oo lagu galay dhisme ku yaalla meel amnigeeda si weyn loo ilaaliyo, islamarkaana ay ku yaallaan bara Control oo lagala socdo dhaq-dhaqaaqa Villa Somalia.

Hoos ka dhageyso