Daawo: Axmed Madoobe oo sheegay in Beledweyne laga dhisayo taallo weyn

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo maanta boqolaal ciidan ah kula hadlay duleedka magaalada Kismaayo ayaa si qota dheer uga hadlay dagaalka la qorsheynayo in Jubbaland ay ku qaado Al-Shabaab.

Axmed Madoobe ayaa ugu horeyn aad u amaanay shacabka reer Hiiraan oo kacdoonkaan bilaabay, isagoo sheegay in la xusuusa doono dadkii reer Hiiraan uga shahiiday dagaalka ay la galeen Al-Shabaab.

“Reer Hiiraan waxaan leeyahay Beledweyne waxaa laga dhisi doonaa taallada ugu weyn dalka oo lagu xusuusa doono shuhadadii uga dhimatay dagaalka, waxay Soomaalida kale tuseen in laga adkaa karo Al-Shabaab,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa dadaalkooda ku amaanay Wasiirka difaaca dalka iyo taliyaha ciidanka xoogga oo garbihiisa taagnaa, kuwaas oo Kismaayo u tegay dardar gelinta duulaanka deegaanada Jubbaland looga xoreynayo Al-Shabaab.

“Waxaan u mahad celinayaa Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuu qaaday tallaabo cad oo dalkaan looga xoreynayo cadowga, isaga iyo xukuumadiisu waxay garowsadeen in wax la qaban karo aysan jirin, iyadoo aan laga adkaan Al-Shabaab, waa tan ugu muhiimsan, waana ku amaanayaa madaxweynaha,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in Jubbaland ay dejisay qorshe dhameystiran oo lagu xoreynayo dhulka ay ka heystaan Al-Shabaab, wuxuuna dowlad goboleedyada kale ugu gacan haatiyey inay soo galaan dagaalka.

Hoos ka daawo