Adkeysiga dadka Muqdisho – Maxaa dhacay kadib weerarkii Villa Reys?

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho oo xalay ilaa maanta ay weerar toos ah iyo qarax ka fulisay kooxda Al-Shabaab ayaa dadkeedu waxay muujiyeen dhabar-adeyg xoog leh, waxaana cadaatay in reer Muqdisho aysan isku dhiibin duruufta amni ee heysta.

Weerarkaan oo galabta lasoo gabagabeeyey waxaa fulisay lix nin oo ka tirsanaa Al-Shabaab, hal nin ayaa la xaqiijiyey inuu is-miidaamiyey, halka shanta kale ay toos u gadaalamayeen ku dhawaad 20 saacadood.

Iyadoo weerarkaas uu ka socday gudaha xeen-daabka laga ilaaliyo madaxtooyada dalka, hadana xarunta Tiyaatarka qaranka oo dhowr tilaabo u jirta Hotelka la weeraray waaberigii hore ee saakay waxaa ka bilaabatay xaflad ay ku qalan-jebinayeen boqolaal arday ah oo heerka 1-aad ee Jaamacadda dhameysatay.

Si lamid ah Madaxweynaha dalka ayaa maanta intii uu weerarkaasi socday wuxuu Muqdisho ka furay ‘shirweynaha maalgashiga caalamiga ah ee Soomaaliya’ kaas oo ajaanib, ganacsato iyo masuuliyiin badan ay ka soo qeyb galeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta khudbad ka jeediyey furitaanka  shirweynaha caalamiga ah ee maalgashiga Soomaaliya ayaa yiri, “Maanta waxaan qaadeynaa tallaabadii 1-aad oo lagu dhiirigalinayo maalgashiga dalkeenna, anagoo garowsan caqabadaha nagu xeeran.”

Madaxweynaha ayaa intaas ku sii daray, “In kastoo aan halkan u imid si aan u dhiirri-geliyo maalgashiga dalkayga, haddana waa garowsanahay caqabadaha nagu xeeran oo ay ugu horreyso argagixisada, abaaraha, hannaanka dhaqaalaha oo dib u habayn u baahan iyo shaqo la’aanta dhallinyarada, haddana dhammaan arrimahaas waxaa barbar socda dadaallo aan ku xallinayno iyo fursado ballaaran oo ka jira dalka.”

Dadka Soomaaliyeed oo qiimeyn ku sameynaya dhacdooyinkaan maanta is bar-bar yaallay ayaa saacadihii u dambeeyey aad baraha bulshada ugu falan-qeynayey adkeysiga dadka reer Muqdisho oo aan isku dhiibin duruufaha amni ee ku xeeran.

Kooxda Al-Shabaab oo 10-kii sano ee lasoo dhaafay weerar toos ah ku heysay dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ayaan halgankeeda ka gaarin wax natiijo ah, waxayna hadda wajaheysaa naceyb xad-dhaaf ah, cunaqabateyn ay dowladdu saartay iyo dagaal toos ah oo aad loogu laayey bilihii iyo todobaadyadii lasoo dhaafay.