Daawo: Booliska oo soo bandhigay qaraxyo iyo raggii watay oo la qabtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka booliska Soomaaliya ayaa maanta degmada Afgooye, ku qabtay mooto Bajaaj siday ugu yeraan labo nooc oo waxyaabaha qaraxa ah, sida uu sheegay afhayeenka booliska Soomaaliya.

Sadiiq Aadan Cali oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in qeybta la dagaalanka qaraxyada ee booliska ay Afgooye ku qabteen laba nin oo qaraxa ku siday mooto Bajaaj-ta.

“Argagixisada ayaa dhagartaan la damacsanaa inay ku wax yeelaayaan shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan, halkaas ayey ciidanku uga hortageen dhagartaan, waxaana gacanta lagu hayaa laba dhagarqabe iyo mootadii ay argagixisadu isticmaali jirtay, cadaaladda ayaana hor keeni doonaa,” ayuu yiri Sadiiq Doodishe.

Afhayeenka ayaa soo bandhigay sawirrada mootada iyo qaraxyada, isagoo faahfaahiyey nooca qaraxyadii ay mootada ku siteen raggaan labada ah ee gacanta lagu dhigay maanta.

Kooxda Al-Shabaab oo guul darrooyin culus ka wajaheysa dagaallada uga furan furimaha gobollada dalka, waxaana muuqata in kooxdu ay wado iskuday ah inay fuliso qaraxyo iyo weerarro hor leh.

Hoos ka daawo afhayeenka