Sawirro: Xasan Sheekh oo kormeeray ciidanka tababarka u jooga Eritrea, kadibna …

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo dhiggiisa dalka Eritrea Isaias Afwerki ayaa maanta kormeeray xerada ay tababarka ku qaadanayaan ciidanka badda Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Eritrea.

Madaxweynaha ayaa warbixinno ka dhageystay Taliyeyaasha ciidanka badda Soomaaliya ee tababarka u jooga dalka Eritrea iyo sida ay diyaarka ugu yihiin difaaca iyo xoreynta dalka.

“Madaxwaynaha Jamhuuriyada ayaa  ku bogaadiyey ciidankan dadaalka, aqoonta iyo kartida ay muujiyeen, inta ay tababarka ku jireen, waxa uuna u sheegay in ay yahiin tilmaamihii lagu yaqaanno Ciidanka Badda Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal ay madaxtooyada Soomaaliya ka soo saartay kormeerkaas.

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa booqashada kadib waxaa uu dib ugu soo laabtay dalka, isagoo uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka dalka Eritrea soo dhaweynta iyo qaabilaadda wanaagsan oo ay u muujiyeen.

Dhalinyaradaan ayaa dalka Eritrea tababar ugu maqan mudo ku dhow afar sano, waana markii labaad oo madaxweyne Xasan Sheekh uu ku booqday xeryaha lagu tababaro.

Waxaa socda qorshe la doonayo in ciidankaan dalka loogu soo celiyo oo dowladda Soomaaliya ay wado, laakiin ilaa hadda dowladdu ma shaacin waqtiga kama dambeysta ah ee ciidankaan dalka lagu soo celinayo.