Dhageyso: Sarkaal shaaciyey in ciidankii ay caawa dib uga soo baxeen Wabxo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidankii dhowaan kooxda Al-Shabaab ka xoreeyey deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud ayaa la sheegay in galabta ay dib uga soo baxeen deegaankaas, kadib markii uu soo kala dhex galay khilaaf culus.

Taliyihii hore ee ciidanka Danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik oo ka mid ah masuuliyiinta hoggaamineysay ciidanka xoreeyey Wabxo ayaa xaqiijiyey inay dib uga soo baxeen deegaanka, kadib markii ay difaacyada soo baneeyeen ciidankii Danab ee qeybta ka ahaa howlgalka.

Ismaaciil Cabdimaalik ayaa sheegay in ciidanka Danab ay isaga soo baxeen deegaanka iyagoo aan shaacin sababta, taas oo keentay inay ayaguna ka soo baxaan Wabxo.

Wuxuu sheegay in sababta Danab looga saaray howlgalka uusan garaneyn, balse uu jiro qalad weyn oo ka jira dhanka taliska ciidanka xoogga dalka.

“Waxaa muuqata in fursad la siinayo cadowga, qaladaadkaan marar badan ayey dhaceen, maanta fursad ayaa jirta, laakiin qaladkaan soo noqnoqonaya waa in lagula xisaabtamo, wax kasta sabab ayey leeyihiin, waana in la is weydiiyaa sababta,” ayuu yiri G/le Ismaaciil Cabdimaalik.

Sarkaalkaan ayaa sheegay in ciidamada ay u diyaarinayeen howgallo hor leh oo lagu xoreynayo ilaa degmada Ceelbuur, balse ay dib u soo baxeen ciidanka Danab oo muhiim u ahaa howlgalkaan.

“Caawa waxaan isaga soo baxnay Wabxo iyo degaanada hoos yimaada, kadib markii ciidamada dowladda lagu amray inay soo faarujiyaan dhammaan furimaha dagaalka,” ayuu yiri G/le Ismaaciil Cabdimaalik.

Sarkaalkaan ayaa muujiyey tuhun uu ka qabo taliska ciidanka xoogga dalka, isagoo madaxda sare ka dalbaday in deg deg loo baaro qaladaadka ciidan ee soo noqnoqonaya.

Hoos ka dhageyso wareysi uu bixiyey Ismaaciil Cabdimaalik.