Daawo: Wasiir Deeqa Yaasiin oo dacwad kaga adkaatay ninkii yiri ‘ha la ii soo dilo’

Amesterdam (Caasimada Online) – Wasiiradii hore ee Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka dowladda federaalka Soomaaliya Deeqa Yaasiin ayaa shir jaraaíd oo ku qabatay agaalada Alphen aan den Rijn, ee dalka Netherlands waxey ku faah-faahisay dacwad kala dhexeysay nin Soomaali ah oo deggan dalka Holland, oo ay ku dacweysay Maxkamad ku taal magaalada Den Heeg.

Deeqa ayaa ninka ay dacweysay sheegtay inuu abaalmarin lacageed u ballan-qaaday cid kasta oo soo disha Deeqa Yaasiin oo xilligaasi aheyd wasiiradda haweenka iyo xuquuqda insaanka.  

Wasiirka ayaa sheegtay in dacwada ay ninkan kusoo oogtay ay aheyd mid dambi, ee aanay aheyn mid rayid ah, maadaama uu nafteeda halis geliyey, ayada oo intaas ku dartay in eedeysanaha uu yahay nin deggan dalka Netherlands.

Deeqa ayaa sheegtay in ninka ay dacwadda kala dhaxeysay, ee yiri “ha la isoo idlo” uu ka careysnaa oo uu daba socday sharciga jinsiga Soomaaliya ee sida ay sheegtay dad badan ay khalad u fahmeen. 

Halkan ka daawo shirka jaraa’id ee Deeqa Yaasiin.