DIGNIIN laga soo saaray qaraxyo ay AL-SHABAAB u qorsheeyeen dhowr magaalo

Beledweyne (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenka qeybta Booliska gobolka Banaadir G/Sare Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle ayaa maanta soo saaray digniino culus oo la xariira qaraxyo uu sheegay in kooxda Al-shabaab la damacsan tahay inay ka fuliso magaalooyin ka mid ah gobolka Hiiraan.

Sarkaalkaan ayaa bartiisa gaarka ah ee Facebook soo dhigay qoraal uu ku sheegayo in Al-Shabaab ay qorsheysay qaraxyo waa weyn oo ay doonayaan inay ka geystaan magaaloyinka kala ah Beledweyne, Jalalaqsi iyo Buulaburte ee gobolka Hiiraan.

“Dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed gaar ahaan reer Beledweyne Buuloburde iyo Jalalaq waa inay galaan feejignaan amni oo dheeraad ah oo looga hor tegayo shirqoolo ay kooxda Al-Shabaab ku qorsheynayaan qaraxyo waaweyn oo ay ku gummaadaan shacabka deegaanadaas,” ayuu yiri.

Sidoo kale Taliyaha ayaa qoraalkiisa ku faray laamaha amaanka gobolka Hiiraan inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, si ay uga hortagaan qaraxyada uu tilmaamay inay kooxdu ka geysa karto magaalooyinka ugu muhiimsan gobolka.

“Todobaadkaan gudihiisa sida aan ka heleyno ilo lagu kalsoon yahay, saraakiisha hay’adaha amniga ee magaalooyinka waaweyn sida kuwa aan soo tilmaanay, waxaan ka codsaneynaa inay howlahooda labanlaabaan,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Taliye ku xigeenka booliska gobolka Banaadir Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle.

Inkastoo sarkaalkaan uu ku magacaaban yahay taliye ku xigeenka booliska gobolka Banaadir, hadana mudooyinkii dambe wuxuu ku sugnaa furimaha dagaalka ee gobolka Hiiraan, maadaama beeshiisa ay dagaal culus la gashay kooxda Al-Shabaab, wuxuuna ka mid yahay saraakiisha sida joogtada ah uga soo muuqda furimaha Hiiraan.