Xog: Biixi oo caawa sameeyay isku-deygii u dambeeyay iyo xiisada oo kasii dareysa

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu sii dhamaanayo ee Muuse Biixi Cabdi ayaa caawa qaaday tallaabo u muuqata isku-deygii u dambeeyay ee uu ku rabay baajinta dibadbaxyada berri loo balansan yahay.

Muuse Biixi ayaa goor sii horeysay oo caawa ah ergo u dirsaday guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee Waddani, oo ah hogaamiyaha mucaaridka ku hogaaminaya dibadbaxyada looga soo horjeedo Muuse Biixi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ergada uu Biixi u dirsaday Guddoomiye Cabdiraxmaan Ciro ayaa kala ahaa siyaasiyiinta Cali Warancade iyo Maxamed Caraale Duur.

Siyaasiyiintan ergada ka ahaa Muuse Biixi oo gurigiisa ugu tagay guddoomiye Cirro ayaa kala kulmay waji gabax, isaga oo gebi ahaanba ku gacan seyray.

Isku-deygii u dambeeyay ee Muuse Biixi uu ku rabay inuu ku baajiyo dibadbaxyada berri ayaa fashil wajahaya, waxaana kasii dareysa xiisada taagan ee ka dhalatay muddo xileedka madaxweynaha.

Mucaaridka ayaa hore u sheegay in Muuse Biixi aysan wada-hadal la fureyn, kadib markii ay ku eedeeyen in uu waxba ka maqli waayay ergo dhowr ah oo isku xilqaantay wax ka qabashada xiisada siyaasadeed ee Somaliland uu galiyay.

Muuse Biixi oo muddooyinkii dambe ku doodayay in uu haysto sharciyad weli uu kusii fadhiyo xilka u sareeya Somaliland, kadib markii ay Golaha Guurtida u sameeyeen muddo kororsi laba sanno ah ayaa u muuqata inay wax iska badaleen qorshihiisa, inkasta oo si rasmi ah loo ogeyn.

Xisbiyada mucaaridka oo iyagu ka biyo diidan damaca muddo kororsi ee Biixi ayaa qorsheeyay in maalinta berri ah guud ahaan Somaliland ka dhigaan dibadbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo Muuse Biixi.

Sidoo kale waxay hore u shaaciyeen in Muuse Biixi aysan berri iyo wixii ka dambeeya u aqoonsaneyn madaxweynaha Somaliland, ayna ka shaqeyn doonaan sidii ay u dhici laheyd doorasho.

Dhinaca kale, Xukuumadda Biixi oo si dhow ula socota dhaq-dhaqaaqyada mucaaridku abaabulayaan ayaa waxay heegan buuxa galisay ciidamada kala duwan, ayada oo ciidamo hor leh dul dhigtay magaalooyinka waaweyn ee Somaliland.

Waxaa laga cabsi qabaa in xiisada taagan ay isku badasho rabashado hor leh, sida kal hore dhacday markii ay mucaaridka soo abaabuleen dibadbaxyo looga soo horjeedo Muuse Biixi.

Sidoo kale walaaca ay qabaan qaar kamid ah bulshada reer Somaliland ayaa sii xoogeystay saacadihii u dambeeyay, kuwaasi oo bilaabay inay bank-yada iyo adeegyada lacagaha mobile-ka ay kala soo baxaan lacagtooda oo kaash ah.

Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online