Ciidamada DF ‘oo toogtay’ ismiidaamiye waday baabuur

Masagaway (Caasimada Online) – Ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa sheegay inay toogteen ismiidaamiye waday baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, duleedka tuulada Xuseen Cagey oo u dhow Masagaway oo ka tirsan gobolka Galguduud.

Warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa soo tebisay in ciidamada amnigu ay ismiidaamiyahaas ku dileen toogasho.

Dhinaca kalena, ururka al-Shabaab ayaa sheegtay in qof ka tirsan maleeshiyaadkooda oo ismiidaamiyey uu beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa dawladda oo gaadiid watay, kuna jiray hawlgal.

Ilaa hadda ma jiraan warar madaxbannaan oo xaqiijinaya sawirka buuxa ee weerarkan.

Shalay ayey aheyd sidoo kale markii ugu yaraan shan ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab lagu dilay hawlgal ka dhacay gobolka Galguduud saaka, sida ay tebisay warbaahinta dawladda Soomaaliya.

Hawlgalkan ayey ka wada qayb qaateen ciidamada dawladda federaalka Soomaaliya iyo taliska milatariga Maraykanka ee qaaradda Afrika loona yaqaan AFRICOM, sida ay sheegtay warbaahinta dawladdu.

Hawlgalkan ayaa ka dhacay meel 35KM Koonfur bari ka xigta degaanka Galcad ee gobolka Galguduud. Taliska AFRICOM ayaan weli ka hadlin weerarkan.

Ciidamada dawladda ayaa hawlgallo ka wada degaannadaas, waxaana saraakiishu soo tebiyeen inay ciidamadu la wareegeen degaanno hoostaga tuulada Cawsweyne.

Mas’uulyiinta dawladda ayaa sheegay in hawlgal milatari uu ku waajahan yahay qabashada labada degmo ee Ceelbuur iyo Galhareeri.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa fadhi ku meelgaar ah ka samaystay magaalada Dhuusamareeb, si uu ula socdo diyaargarowga hawlgallada milatari ee ka dhanka ah al-Shabaab oo dawladdu sheegtay inay dhammaystir u yihiin wejiga koowaad ee gulufka.

Isha: VOA