Ciidamada NISA oo xiray xarunta weyn ee Hormuud

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ayaa goordhow xiray xarunta weyn ee Shirkadda Hormuud ee Suuqa Bakaaraha.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidanka NISA ay xarunta ku weerareen saddex Cabdi Bile, ayada oo gabi ahaanba albaabada u laabtay xaruntaas oo ah midda ugu weyn ee Shirkadda Hormuud.

Sidoo kale, ciidanka NISA ayaa waxay xireen xarunta weyn ee Salaam Bank ee suuqa Bakaaraha. Askarta Nisa iyo Ilaalada Hormuud ee xarunta Bakaaraha ayaa qarka u saaraan in uu dagaal ku dhex-maro halkaasi.

Tallaabadan ayaa imaneysa kadib saacado un markii uu maamulka shirkadda Hormuud uu soo saaray qoraal uu ku eedeynayo NISA, inkasta oo NISA iska fogeysay inay xad-gudub kula kacday Hormuud.

Shalay ayey aheyd markii sidan oo kale ciidamada hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ay xirtay xarunta shirkadda Hormuud iyo Salaam Bank ee Tareebiyaano, taasi oo ka sameynaysay fatashaad.

“Waxaa Xarunta Shirkadda Hormuud Telecom ee Tareebiyaano soo weeraray ciidan hubeysan oo ka socda Hay’adda Nabadsugidda. Waxa ayna maamulka Xarunta ka dalbadeen in loo daabaco dhaqdhaqaaqa EVC Plus, taas oo ka hor imaanaysa shuruucda Dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka Hormuud.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Nasiib-darro, ciidankii soo galay xaruntaas waxay geysteen khalkhalgelin iyo ku takrifal awoodeed, waxayna xabsiga dhigeen seddax (3) ka mid ah maamulkii Shirkadda, iyaga oo aanan wadanin fasax maxkamadeed.”

Hay’adda NISA ayaa dhankeeda sheegtay in shirkadda ay ka dalbatay inay fatashaad ku samayso dhaq-dhaaqa Koontooyin Bangi iyo Adeegga EVC Plus, kadib markii Hormuud ka codsatay dhibaatada ay kala kulanto Al-Shabaab.

“Halkii shirkadda laga sugayay in ay Hay’adda ku gacansiiso gudashada waajibkeeda Qaran, waxa ay diiday wadashaqayntii iyo ka jawaabista codsiyadii loo diray, waxayna fakisay eedeysanayaashii ka tirsanaa howlwadeennadeeda,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Sidoo kale hay’adda ayaa sheegtay in baaris ay sameysay ku ogaatay in qaar ka tirsan shaqaalaha Hormuud ay wada shaqayn iyo xiriir la leeyihiin argagaxisada, islamarkaana ay soo xirtay qaar ka mid ah howl-wadeennada shirkada oo is hortaag ku sameeyay shaqada hay’adda

“Shirkaddu waxa ay si toos ah ugu tumatay Sharci Lr.003, qodobka 48-aad ee Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka iyo Sharci Lr.007, qodobka 11-aad ee sharciga la dagaallanka Argagixisada.”