Dagaal mar kale dhex-maray dagaal-yahanno ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya kooxda Al-Shabaab uu hadda ka socda degaan lagu magacaabo Cali-yaalo.

Deegaankaan oo dhowr iyo toban KM dhanka galbeed ka xiga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa waxaa lasoo sheegaya in muddo dhowr saacadood ah uu dagaalku ka socda.

Dagaalka ayaa salka ku haya khilaaf xoogan oo dhawaan ka dhex qarxay kooxda Al-Shabaab, xili ay gobolada dalka kaga socdaan dagaal ka dhan ah, oo iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalka Cali-yaalo ka socda uu yahay midkii labaad ee muddo 12saac gudahood ah Al-Shabaab ku dhex-mara degaanada ku teedsan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Khilaaf soo shaac baxay oo xoogaystay ayaa ka dhex qarxay kooxda Al-Shabaab, oo laga saaray degaano horleh oo sanado badan ay gacanta ku haysay, kuwaasi oo hadda ku sugan yihiin ciidamada dowladda.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda ka hadashay dagaalkan oo ay ku tilmaamtay ciribtirka Khawaarijta uu ka billowday dhexdooda, sida uu qoraal kooban ku baahiyay Al-Cadaala bartiisa Facebook.

“Dildilaacii darbiga Khawaarijtu dhexdooda ayuu marayaa oo iyaga ayaa sii kala dildilaacayaa! gadaashood Ilaaheey nama fidneeyo. Alle ayaa mahadsan,” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya.

Dagaalka u dhexeeya Al-Shabaab ayaa ah calaamad wayn oo muujinaysa sida ay kooxdaas ugu jabtay dagaallada uga furmay gobollada dalka, waxayna wararka qaarkooda sheegayaan in dagaalkaan uu ka dhashay is hortaag lagu sameeyey koox dooneysay inay is dhiibto oo Al-Shabaab isaga baxdo.