Baydhaba (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal xooggan oo goordhow ka qarxay duleedka magaalada Baydhaba, kaas oo u dhexeeyo ciidamada Dowladda oo garab ka helaya kuwa la magac baxay Badbaadada Koonfur Galbeed iyo ciidanka taabacsan maamulka Lafta-gareen.
Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, isla-markaana uu ka qarxay dhinaca suuqa xoolaha oo haatan laga maqlayaa rasaas xooggan.
Sidoo kale, waxaa Baydhaba iyo agagaarkeeda lagu arkaayo diyaarado Drone ah iyo kuwa qumaatiga u kaca oo dul heeheebaayo magaalada, waxayna qayb ka yihiin howlgalka ka socda halkaasi.
Xaaladda ayaa haatan cakiran, iyadoo khadka isgaarsiinta uu aad u culus yahay, maadaama maalmahaanba ay xaalad adag ka taagneyd halkaasi.
Dadka deegaanka ayaa sidoo kale, intooda badan isaga baxay Baydhaba, si ay uga fogaadaan waxyeelo kasoo gaarta colaada, maadaama laga cabsi qabo in labada dhinac ay ku dagaalamaan magaaladaasi.
Wasiirka dekadaha iyo gaadiidka Badda DFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo qoraal kasoo saaray dagaalka socda ayaa sheegay in ay soo afjarayaan dulmi uu sheegay in lagu hayay shacabka, isaga oo ugu baaqay in ay ciidanka soo dhaweeyaan, una diyaariyan caanaha iyo timirta.
“Shacabka Reer Baydhabo ha is dejiyaan caanaha wiilashooda ha u diyaariyaan, dulmigii lagu haayey maantuu ku egyahay inshalah!” ayuu yiri wasiir Jaamac.
Shalay ayay sidoo kale ahayd markii ay dagaallo qaraar ka dhaceen deegaanka Daynuunaay, oo qiyaastii 18 kiiloomitir u jirta Baydhaba, halkaas oo ay isku farasaareen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab.

