Dagaal xooggan oo ka socda magaalada Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool waxaa saaka markale ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dagaalkan oo illaa hadda socda ayaa kusii fiday jihooyin cusub, kuwaasi oo ah bariga iyo waqooyiga magaalada.

Waxaa lasoo warinaya khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo labada dhinac ah, wallow aan illaa hadda si rasmi ah loo xaqiijin maadama uu socdo dagaalka.

Isimida SSC ee ku sugan magaalada Laascaanood ayaa ciidamada Somaliland ku eedeyay inay weerarka soo qaadeen, ayada oo eedaasi ay Somaliland uga jawaabtay war-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha.

Somaliland ayaa dhankeeda sheegtay in kooxo nabad diid ah iyo argagixiso is-garabsanaya ay weerar kusoo qaadeen fadhiisimida ciidamadeed ee magaalada Laascaanood, iyaga oo isticmaalaya hubka culus noocayadiisa kala duwan.

Xukuumadda ayaa markale ku celisay in ay ilaalineyso xabad-joojintii ay kal hore ku dhawaaqday, islamarkaana ay ciidamadeedu ku jiraan is-difaac, sida lagu yir war-saxaafadeedka.

“Masuuliyada weerarkan waxaa qaadaya kooxaha wejiyada badan ee ay ka mid yihiin kuwa nabad diidka ah iyo Argagixisada oo gabaadka ka dhiganaya shacabka iyo magaalada Laascaanood.”

Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online