Hay’ad caalami ah oo Xasan Sheekh u gudbisay dalab ka dhan ah sharciga NISA

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa markii u horeysay si adag uga hadashay sharciga hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA, kaasi oo dhawaan uu ansixiyay baarlamaanka, ayada oo ka dalbatay madaxweynaha in uu dib u celiyo sharcigaas.

Human Rights Watch ayaa sheegtay in sharciga NISA uu awood badan siinayo hay’adda, sidaas darteed waxay ugu baaqday dowladda federaalka inay xaddido awooddaha hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA.

Agaasime ku-xigeenka Afrika ee hay’adda Human Rights Watch, Laetitia Bader ayaa waxa uu tilmaamay in sharciga NISA ee la meel-mariyay uu siinayo awoodaha caburinta, xariga iyo daba-galka, sida uu sheegay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxay ka dalbatay in sharcigaas uu dib ugu celiyo baarlamaanka, oo isagu markii hore soo ansixiyay, si dib u eegis loogu sameeyo, maadam ay ku jiraan waxyaabo ka hor-imaanaya xuquuqul insaanka.

“Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waa in uu sharcigan dib ugu soo celiyaa baarlamaanka oo uu ku baaqaa in si adag loo eego si wax looga qabto arrimaha xuquuqul insaanka ka hor imaanaya,” ayay tiri Laetitia Bader.

Human Rights Watch ayaa sheegtay in sharciga NISA ee hay’adda ka dhigaya mid 53 sano kadib sharci rasmi yeelatay, loo isticmaalo karo caburinta mucaaradka siyaasadeed iyo warbaahinta.

“Saaxiibada Soomaaliya ee caalamiga ah waa inay soo gudbiyaan wel-welka ku saabsan sharcigan. Waa inay ku cadaadiyaan dowladda inay dib u habeyn ku sameyso sharciga si loo hubiyo inuu ixtiraamayo xuquuqda dadka, halkii uu fududeyn lahaa xad-gudubyada,” ayaa lagu yiri warbixinta Human Rights Watch.

Human Rights Watch ayaa haatanba ku eedeysay hay’adda NISA inay si bareer ah u xirtay dadka ay u arkaan in ay ka soo horjeedaan iyo weriyeyaasha, kaasi oo ay sheegtay inuu ugu dambeeyay u doodaha xuquuqda saxaafadda Cabdalle Axmed Muumin.

Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Somali Journalists Syndicate (SJS) Cabdalla Axmed Muumin ayaa maalintii Khamiista waxaa mar kale xiray ciidamada dowladda Soomaaliya.

Qareenkiisa Cabdiraxman Xassan, oo goobjoog ahaa xilliga la xirayay Cabdalla Muumin, ayaa sheegay in markii hore ay u yimaadeen gaashaanle ka tirsan booliska Soomaaliya iyo nin dhar cad oo u sheegay Cabdalla Muumin inuu xiranyahay, xilligaasi oo uu ku sugnaa Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.