24.9 C
Mogadishu
Sunday, July 13, 2025

Dekadda Muqdisho oo caawa lagu qabtay Kunteenaro la doonaayay in si qarsoodi ah lagu bixiyo (Maxaa ku jira)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in ciidamada amaanka dowlada Federaalka ah ee Somalia ay Caawa gacanta ku dhigeen Kunteenaro khamri lagu siday.

Ciidamada ayaa la sheegay in Kunteenaradaasi ay ku qabteen gudaha Dekadda magaalada Muqdisho, xili la doonaayay in Kunteenarada laga faarujiyo khamriga.

Kunteenarada caawa lagu qabtay Dekadda ayaa sidoo kale la sheegay in lasoo dajiyay isla caawa, isla markaana la doonaayay in loo ganacsi geeyo magaalada.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliiska Somalia, ayaa xaqiijiyay in Kunteenarada iyo khamriga ku jira ay goordhow oo caawa ah ku wareejiyeen Hay’adaha amaanka dalka.

Saraakiisha laamaha amniga ayaa la filayaa in maalinta beri ah ay soo bandhigaan khamrigaas Dekada ka soo degay iyo dadkii waday.

Ma cadda cida uu sida gaarka ah ugu socday Khamriga waxaase arrintaas iyo arrimo kalaba cadeyn doono laamaha amaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News