Warbixi: Diidmada codeynta mooshinka iyo ismiidaamintii ka dhacday Sayidka (4 qodob)

Nairobi (Caasimada Online) – Aragtiyo kala duwan ayaa waxa ay kasoo baxeysaa weerar Ismiidaamin ah oo shalay galab ka dhacay Isgooyska Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Goobta uu weerarka Ismiidaaminta ka dhacay ayaa waxaa ku taalla Xarunta Golaha Shacabka ee baarlamaanka Somalia, waxa uuna weerarkaasi dhacay saacado un kadib markii C/wali Muudey Gudoomiye Ku-xigeenka Koowaad uu soo saaray warqad uu ku sheegay in codeynta Mooshinka ay dhaceyso 31-ka Bishan oo ku beegan maalinta Sabtida ah.

Go’aanka Muudeey ee ahaa in 31-ka ay dhaceyso codeynta ayaa waxaa aad uga soo horjeeda Guddoomiye Jawaari iyo Xildhibaano garab u ah, kuwaa oo xiliga weerarka Ismiidaaminta ka hor soo saaray go’aano ay ku mucaaradayaan xiliga ay dhaceyso codeynta.

Hadaba waxaa jira hadal heyn iyo baaritaano hoose oo ku aadan weerarka Ismiidaaminta ah ee ka dhacay Isgooyska Sayidka oo dhinaca ku haya Xarunta baarlamanka Somalia, waxa uuna weerarku ka dhacay meel ku dhow iridka laga galo Xarunta baarlamaanka.

Dadka ayaa ku kala aragti duwan weerarkaasi ismiidaaminta ahaa waxa ayna qaarkood qabaan in weerarkaasi uu ahaa mid Siyaasadeed oo looga soo horjeedo in Xarunta baarlamaanka Somalia ay ka dhacdo Codeynta Mooshinka, waxaana jira 4 qodob oo muujineysa in weerarkaasi uu lid ku yahay in codeynta lagu qabto xarunta baarlamaanka.

1-Weerarku waxa uu kusoo beegmay saacado un kadib markii Gudoomiye Ku-xigeenka Koowaad uu soo saaray warqad uu ku sheegay in codeynta Mooshinka ay dhaceyso 31-ka Bishan oo ku beegan maalinta Sabtida ah, waxaana aad u dhaliilay garabka taabacsan Jawaari ee kasoo horjeeda Mooshinka.

2-Weerarkaas Ismiidaaminta ee kadhacay afafka hore Xarunta baarlamaanka ee Isgooyska Sayidka, waxaa  Beesha Caalamka loogu muujinayaa in Xaruntaasi aan lagu qabankarin codeynta Mooshinka.

3-Weerarka waxa uu dhacay iyadoo Xildhibaanada qaar ay ku adkeysanayaan in codeynta Mooshinka lagu qabto Xarunta baarlamaanka, halka kuwa kale ay doonayaan in codeynta lagu qabto Garoonka Aadan Cadde.

4-Weerarka Ismiidaaminta ee ka dhacay Sayidka waxa uu shaki galinayaa in codeynta Mooshinka ay ka dhici karto Xarunta baarlamaanka ee ku taal Isgooyska Sayidka.

Dadka shacabka qaarkood waxa ay sidoo kale Su’aal ka keeneen sababta ay shaqsiyaadka qaar ee ka tirsan baarlamaanka Somalia uga hadli waayen weerarka shalay kadhacay Sayidka, halka weeraradii ka horeeyay ay durba dhaliilo dhanka amaanka ah u jeedin jireen dowlada Somalia.

Dadka qaar ayaa qaba in weerarada qaar ee kadhaca dalka uu yahay mid ku xeeran arrimo Siyaasadeed, waxaana tuhunkaasi qeyb ka ah Qaraxii shalay dhacay.

Yoonis Macalin Cabdi oo kamid ah dadka degan magaalada Muqdisho, ayaa Xildhibaanada baarlamaanka iyo madaxda guud ee dalka ugu baaqay inay kala qaadan Siyaasada iyo maslaxada dalka.

Waxa uu ku dhaliilay inaanu daacad u aheyn dalka marka loo eego ficiltankooda waxa uuna soo jeediyay si baarlamaanka looga soo dhexsaaro kuwa xun ay noqdaan kuwo daacad u ah dalka oo isku xiran.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan la ogeyn halka ay ka dhici doonto codeynta Mooshinka, waxaana xusid mudan in weerarkii shalay kadhacay Sayidka uu muujinaayo rabitaanka garabka taabacsan Jawaari ee iyagu doonaayo in doorashada ay ka dhacdo Garoonka Aadan Cadde.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com