DF Soomaaliya oo qaadeysa tallaabo ka dhan ah heshiiska Somaliland iyo Itoobiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiiradda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa la isugu yeeray shir deg deg ah oo aan caadi aheyn, kaas oo berry subaxa hore ka dhacaya Muqdisho, sida lagu shaaciyey farriin ka soo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Kulankaas waxay xukuumaddu go’aan kaga gaari doontaa heshiiskii ay maanta Addis Ababa ku kala saxiixdeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’iisul wasaraha Itoobiya Abiy Axmed.

“Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa beri Shir degdeg ah la isugu yeeray si go’aan looga soo saaro heshiiska la sheegay inuu maanta ku dhexmaray magaalada Addis Ababa dowlada Itoobiya iyo maamulka Somaliland,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska R/Wasaare Xamze Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta magaalada Addis Ababa ku kala saxiixday is-afgarad (Momentum of Understanding) taariikhi ah, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska Abiy.

Is-afgaradka oo loogu yeeray mid iskaashi iyo wada-shaqeyn ayaa bayaanka lagu sheegay in loogo talogalay in uu noqdo qaab-dhismeedka iskaashi dhinacyada badan leh oo dhex-mara labada dhinac.

“Is-afgaradka waxa uu u gogol xaari doonaa ka dhabeynta hamiga Itoobiya ee ku aaddan xaqiijinta inay marin u hesho badda iyo kordhinta dekedaha kala duwan. Is-fagaradka waxa kale uu xoojinayaa iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Dhinaca kale, madaxweynaha Somaliland, oo ka hadlay shir jaraa’iid oo ay wada-qabteen Abiy Ahmed ayaa sheegay in Somaliland ay is-afgaradkan ku beddelatay in Itoobiya ay u aqoonsanto Somaliland dal madax-banaan marka heshiiska la saxiixo.

Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay siineyso Itoobiya dhul-badeed dhan 20 km oo ay degaan ciidankooda badda, kaasi oo uu sheegay inuu yahay kiro.

Muuse Biixi ayaa sheegay in is-afgaradka uu dan u yahay labada dhinacba, oo midba uu helayo waxa uu aadka ugu baahan yahay, oo ah in Somaliland ay hesho aqoonsi, Itoobiyana ay markii ugu horreyso hesho bad.

Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata mid ka carootay heshiiskaas, waxaana xusid mudan in Muuse Biixi uu toddobaadkaan gudihiisa Madaxweyne Xasan Sheekh la saxiixday heshiis dhigaya in la bilaabo wadahadallo, iyadoo laga fogaanayo wax kasta oo caqabad ku keeni kara geedi socodka wadahadallada DF Soomaaliya iyo Somaliland.