DF oo shaacisay in 80 Al-Shabaab lagu dilay dagaalkii…

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey in dagaal maanta ka dhacay gobolka Mudug lagu laayey kooxda Al-shabaab.

Bayaankaan oo ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay dagaalkaas Al-Shabaab looga dilay in ka badan 80 dagaalame, isla markaana dhaawacyo badan looga qabtay kooxda.

Dagaalka ayaa ka dhacay degaanka Shabeelow ee koonfurta gobolka Mudug, waxaana ka qeyb qaatay diyaaradaha dagaalka, halka ciidanka xoogga dalka ee Danab iyo daraawiishta Galmudug ay toos u dagaalamayeen.

Howlgalkaan ayaa qaatay in ka badan 10 saacadood, waxaana deegaanadii lagu dagaalamay oo Shabeelow uu ugu horeeyo hadda maamulaya ciidanka dowladda, sida lagu shaaciyey warkaan ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeed oo dhameystiran:

In ka badan 80 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Daraawiishta Galmudug, Geesiyaasha Deegaanka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ay ka sameeyeen deegaanka Shabeeloow oo u dhaxeeya magaalooyinka Qaycad iyo Bacaadwayne ee gobalka Mudug.

Howlgalkaan ayaa ka danbeeyay ka dib markii Ciidanka isgarabsanaya ay weerar qorshaysan ku qaadeen fariisin wayn oo Khawaarijtu ay ku lahayd deegaanka Shabeelow, waxaana howlgalkaan uu socday in ka badan 10-saacadood.

Ciidanka oo si buuxda ula wareegay deegaanka lagu dagaalamay ayaa sidoo kale nolosha ku qabtay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta kuwaasi oo qaarkood ay qabaanqdhaawacyo.

Dhanka kale waxaa jira maleeshiyaad gaaraya ilaa iyo 14 kuwaas oo ay qaldeen horjoogayaasha Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Qaranka ee ku sugan gobalka Mudug.

Dowladda oo kaashanaysa Shacabkeeda iyo Saaxiibada Caalamiga ah waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta, waxaana Dowladdu mar kale uga mahadcelinaysaa shacabka Soomaaliyeed iyo Saaxiibada Caalamka doorkooda dagaalka ka dhanka ah khawaarigta.