Wararkii ugu dambeeyey weerarka Al-Shabaab ay ku galeen guri ku yaalla Mirinaayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka socda dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka iyo koox Al-Shabaab ah oo weerar ku qaaday guri ku yaalla xaafadda Mirinaayo ee degmada Cabdicasiis.

Guriga ayaa waxaa lagu qaaday weerar ku billowday qarax xooggan, waxaana kadib xigay weerar ay maleeshiyo ku galeen guriga. Qarax ka dhacay afaafka guriga ayaa sidoo kale saraakiisha amnigu aamisan yihiin inuu ahaa qof ismiidaamiyey. 

Dablayda guriga gashay ayaa laamaha amnigu aamisan yihiin inay gaarayaan ilaa afar qof. 

Guriga ayaa xog aan helnay waxay sheegeysaa inay ku sugnaayeen qaar ka mid ah ciidanka deegaanka ee Macawiisleyda oo kusoo dhaawacmay dagaalka dowladda kula jirto Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan. 

Wararka qaar ayaa sheegaya inuu guriga ku sugnaa taliye ka mid ah kuwa hogaaminayey dagaalka gobolka Hiiraan

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Amniga ee dawladda Soomaaliya ay dagaal kula jiraan maleeshiyaad ka tirsan kuwa Al-Shabaab oo weerar ku qaaday guri ku yaalla degmada Cabdulcasiis. 

Waxaa la arkayey ciidamada oo ku xeeran gurigaasi iyo rasaas dhacaysa. Qaar ka mid ah dadka ku sugnaa gurigaasi ayaa ciidanka dawladdu ay soo badbaadiyeen. 

Kooxda Al-Shabaab ayaa warbaahinteeda ku sheegtay in maleeshiyada kooxda ay fuliyeen weerarka, islamarkaana ay gudaha u galeen guriga oo sida ay sheegeen ay ku sugan yihiin saraakiil sare.

Al-Shabaab waxay sheegteen inay tobannaan Macawiisley ah ku dileen weerarka, sheegashadaas oo aan weli si madax-bannaan loo xaqiijin. Dawladda Soomaaliya ayaan weli rasmi ah uga hadlin weerarkan. 

Ciidamada dawladda Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa degaanka ayaa olole milatari oo ka dhan ah Al-Shabaab ka wada gobollo ka mid ah dalka, hawlgalladaasi oo dhul ballaaran dawladdu ku qabsatay. 

Goor hore oo maanta ahna qarax kale oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka badbaaday sarkaal ka tirsan laamaha amniga ah.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa sii xumaanayey dhowrkii toddobaad ee tegay, waxaana soo kordhay dilalka iyo qaraxyada ay kooxda Al-Shabaab ka gaysato caasimada.